Van der Vaart oo falanqeeyay falkii xumaa uu antio Rudiger ku sameeyay garsoorihii kulanka finalkii Copa Del Rey
Real madrid ayaa mar kale la xasuuqay kulan final ah ee xilli ciyaareedkan,iyagoo kala ah fina-ki supercopa iyo final-ki copa del Rey,xilli ay kooxda barcelona ay tahay kulakii seddexad ay kabadineyso real madrid ee seasonkan.
Real madrid ayaa 3-2 guuldaro kasoo gaartay kooxda barcelona ee dhamaadkii ciyaarta,iyagoo barca ukala dhaliyeen Pedri,ferran torres waana ciyaaryahanka lasiiyay abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa kulanka iyo jule kounde oo dhaliyay extre-time labaad,xilli real madrid ukala dhaliyeen kylian mbappe iyo Tchoumeni.
Daafaca real antio Rudiger ayaa fal aad uxun kusameeyay garsoorihii kulankan ee De Burgos,kaasoo isku dayay inuu garsooraha ku tuurey labo bacaha oo baraf ah,sidaas darteed waxaa laga ganaaxi doonaa ama laga mamnuuci karaa inta udhaxeesa 4 illaa 12 kulan ee kadib kaarka cas.
Halyeeygii hore ee real madrid van der vaart ayaa wax laga su'aalay falkii qaabka xumaa uu sameeyay Antio Rudiger,waxa uu ku tilmaamay "Antio Rudiger waa bukaanka maskaxeed, maalmaha qaar kamida waa ciyaaryahan xiiso leh,mararka qaarna waa mid caqli laheyn, maanta ee kulanakan wuxuu ahaa mid doqon ah".
Comments
Post a Comment