Manchester city oo gurigeeda Etihad waqti dambe kuxasuuqday kooxda aston villa ee kulankii 34aad premeire league


Manchester city ayaa gurigeeda Ettihad stadium ku xasuuqday kooxda aston villa ee kulanka 34aad premeire league.

Manchester city ayaa dhamaadkii ciyaarta kaga guuleysatay 2-1 aston villa,iyadoo ay goolasha ukala dhaliyeen ciyaartoyda sida Bernando silve oo keenay daqiiqadii 7aad ee ciyaarta iyo mathues nunes kaasoo dhaliyay  goolkii guusha mancity ee daqiiqadii 94aad ee ciyaarta,xilli ay naadiga aston villa uu udhaliyay ciyaaryahanka marcos Rashford ee daqiiqadii 18aad ciyaarta taasoo kutimid rikoore.

Matheus nunes oo ah ciyaaryahanka goolka labaad ukeenay ayaa ku lug leh afar gool iyo sagaal caawimood ee 35 ciyaarood uu usaftay kooxda man city tartamada oo dhan ee xilli ciyaareedkan,sidoo kale man city ayaa ku guuleysatay iney kamid noqoto kooxaha kaqeyb galaya champions league ee xagaaga soo aadan. 

Manchester city ayaa haddeertaa timaaday kaalinta seddexaad ee premeire league ee 61 dhibcood,inkastoo ay kooxaha sida forest iyo Newcastle uu weli kulan udhiman yahay,xilli kooxda liverpool oo ah hogaamiyaasha horyaalka kaliya uga harsan tahay iney champions noqoto hal kulan ee kulanka tottenham. 

Comments

Popular posts from this blog

Barcelona oo badisay kulankii kabaaqday ay laciyaarayeen kooxda Osasuna ee horyaalka Laligaha

Kooxda Real madrid oo ku qanacday daafaca Huijsen qaab ciyaareedkiisi ee spain,oo ay rabto iney lawareegto xagaagan

Joao cancelo oo shaaca kaqaaday iskudhicii kawada dhexeeyay isaga iyo pep guardiola ee waqtigiisi manchester city