PSG oo liverpool kaga soo baxday wareega querter-finalka ee champions league
Liverpool ayaa kahartay tartankii champaha xilli paris ay usoo baxday wareega 8aad kadib markii ay rikoorayaal ku badisay ee 4-1 lugtii labaad ee wareega 16aad champions league
Ciyaarta ayaa kudhaamatay 1-0 oo uu dhaliyay ousman dambele daqiiqadii 12aad ciyaarta, goolhayaha PSG ee Donnaruma ayaa kooxda ka badbaadiyay labo rikoorayaal sida Darwin Nunez iyo Curtis jones,xilli ay wada dhaliyeen rikoorohoodi vitinha,Ramos,Dembele iyo Doue.
Kooxda heysata horyaalka faransiiska,oo aan weligood ku guuleysan tartankan champaha, ayaa haatan horey ugu soo wata ee querter-finalka,bisha soo socota ayaa ay laciyaarayaan midkood kooxda aston villa iyo club Bruddge, xilli ay aston villa ay arbacadii hore kusoo badisay 3-1 ee lugta kowaad wareega 16aad champions league.
Liverpool ayaa kulankaa kaga dhaawacmay labo ciyaaryahan ibrahima konate iyo alexander Arnold,Reds ayaa kahartay champaha iyo FA cupka oo waxaa hadeertaa uharay iney ciyaaraan labo koob oo kala Carabao cupka iyo premeire league.
Kooxaha maanta ee usoo baxay wareega 8aad ayaa kala ah Barcelona,inter milan,bayern munich iyo Paris-saint-germain.
Comments
Post a Comment