Kooxda Real madrid oo ku qanacday daafaca Huijsen qaab ciyaareedkiisi ee spain,oo ay rabto iney lawareegto xagaagan
Kooxda real madrid ayaa laga soo waramayaa iney isha keheysa daafaca dhexe ee Dean Huijsen waqtigaan,oo ay ka go'an tahay iney lasoo wareegaan ciyaartoyga xagaagan,Huijsen wuxuu kamid yahay xirmada ugu yaabka badan ee ugu weyn xilli ciyaareen.
Daafaca dhexe reer spain ayaa real soo jiitay waxqabadkiisi ciyaarta holland ee xilli ciyaareedkan,Dean Huijsen ayaa usaftay xulka spain kulankii ugu horeeyay lugtii kowaad ee quarter-finalka nation league ee netherland, waxaan lagu soo bilaabay lugtii labaad,isagoo kamid ah ciyaaryahanka ugu fiican ciyaarta.
19 sano jirkan ayaa kooxda bournemouth ku lug leh labo gool ee ee 27 kulan uciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan,xilli ay Bournemouth kaga jirto kaalinta 10aad ee horyaalka premeire league(44 dhibcood).
sidoo kale real madrid ayaa dooneysaa iney kula wareegto free dambeedka midig liverpool ee alexander arnold 1 july 2025,si uu ubuuxiyo booska uu dhaawac kaga maqnaa seasonkan Dani carvajal kooxda.
Comments
Post a Comment