Joao cancelo oo shaaca kaqaaday iskudhicii kawada dhexeeyay isaga iyo pep guardiola ee waqtigiisi manchester city
Joao cancelo ayaa ufurmay ka bixitaankiisa kooxda manchester city,isagoo qirey inuu heysto tababare pep guardiola,xattaa wuxuu muujiyay mahadnaq macalimiinta ushaqeeya ee kahooseeysa.
Cancelo oo hadda uciyaara kooxda Al-hilaal ayaa qirtay in xiriirkiisa uu layeeshay guardiola uu calaamad uyahay qaab ciyaareed kala duwan,si kastaba ha noqotee,inkastoo oo khilaafku yahay,oo wax cudqad ah majiro inuu kuhayo tababaraha,isagoo aqoonsanaya saameynta weyn ee guardiola uu kahelay mustaqbalkiisa ciyaareed ee kubadda cagta.
"Waan kala duwanahay", ciyaaryahanka ayaa ku sharraxay wareysi uu siiyay kanaalka 11, "ma ahan iska hor imaad,laakiin waxaa wada heysanaa muuqaallo kala duwan,oo waxaan heysanaa shaqsiyaad aad ukala duwan,sidaas darteed,isaguna waa kan masuul ah,oo labadeenuba waxaanuu kala qabsanay wadooyinkeena,laakiin waxaan illaahay uga mahad naqayaa inuu la shaqeeyay".
Daafaca dambeedka midig ee reer portugal ayaa cadeeyay inuu pep guardiola saameeyn ku yeeshay isbedelkiisa ee ku saabsan kubadda cagta,gaar ahaan isticmaalka daafaca dambeedka midig ee uu dhamaystiray, "dhabarka buuxa ee uu dhameystiray wuxuu ahaa mid muhiimad weyn oo guul kagaaray pep guardiola,wuxuu iga dhigay inaan ufiiriyo kubadda cagta qaab kaduwan,aniga ahaan,waa nin caqli badan oo aan lafahmi karin wuxuu bedelay habka aan u arko ciyaarta".
Sidoo kale joao cancelo ayaa shaaca kaqaaday inuusan rabeynin sii joogida garoonka Ettihad, kooxda ayaa xattaa ogalaatay iney tahay waqtigii uu katagayo uu yiri " ma aanan dooneynin inaan sii joogo garoonka Ettihad, iyaguna ma aysan dooneynin inaan sii joogo kooxda,waxaa jirey sababo badan oo aniga igu kaliftay inaan udhaqaaqo naadiga Al-hilaal".
Comments
Post a Comment