Diego simeone oo shirkiisa jaraa'id kahadlay ee kahor kulanka real madrid lugta labaad ee wareega 16aad champaha
Kahor kulanka lugta labaad ee wareega 16aad champions league ee udhaxeeya real madrid iyo atletico madrid,Diego simeone ayaa lahadlay warbaahinta wixii kusaabsan rajadii uu kafilayay derby madrid ee garoonka metropolitano.
Tababaraha kooxda atletico madrid Diego simeone ayaa shirkiisa jaraa'id ee ciyaarta kahor kayiri: "Ciyaarteyda ayaan ku qanacsanahay,kalsooni ayaa kuqabaa kooxdeyda,waxaan kusocon doonaa garoonka dhexdiisa anagoo damacsan inaan sii joogi doono champions league oo aan kabaxeyn tartanka".
Xiddiga reer argentine ayaa iftiimiyay in joogitaanka taageerayaasha garoonka ay sare uqaadi doonaan ciyaartoyda,laakiin si isku mid ah ayaa qirtay in natiijada laga maarmi karin oo ku dhici doonto garoonka dhexdiisa.
"Taageerayaashu manoqon doonaan sababta kaliya ee aan ugu guuleysan karno,waa inaan ciyaarno ciyaar weyn" ayuu sheegay simeone.
"waqti badan ayaa kuqaatay talyaaniga,sanado badan ayaa lakulmay kubadda cagta talyaaniga ,dhowr dhacdo waa isku mid laakiin shaki kumajiro in ancelotti aad iga fiican yahay aniga" tababaraha simeone oo qirtay.
Comments
Post a Comment