Barcelona oo badisay kulankii kabaaqday ay laciyaarayeen kooxda Osasuna ee horyaalka Laligaha


Barcelona ayaa wacdareesay ciyaartii ubaaqiga ahayd ee ay laciyaareysay kooxda Osasuna garoonka olimpico Lluis company ee horyaalka Laligaha.

Kooxda barcelona ayaa dhamaadkii ciyaarta 3-0 kaga badisay Osasuna,iyagoo ay kala dhaliyeen ciyaartoyda sida ferran torres,Dani olmo iyo Robert Lewandoski,xilli kulanka aysan ciyaarin Raphinha iyo aroujo oo uu tababaruhu sheegay waa in ay kanastaan ciyaarihii xulalka iyo safarkooda dheeraa ee spain.

Xiddiga reer spain Dani olmo inkastoo rikoore dhaliyay laakiin dhaawac ayaa soo gaaray  daqiiqadii 27aad ee ciyaarta,xilli ay kooxda barcelona 8 ciyaarood oo iskuxiga aan laga badin ee horyaalka Laligaha,Sidoo kale waxay unpeaten yihiin 20 kulan ay ciyaareen sanadka cusub ee 2025.

xilli uu tababaraha Hanzi flick uu amaanay ciyaaryahanka pedri oo yiri:"waxaan mar kale kuu sheegayaa in pedri uu yahay qadka dhexe ee ugu wanaagsan waqtigaan lajoogo kubadda cagta",halka pedri lasiiyay abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa kulankii ay laciyaareen kooxda Osasuna.

Kooxda reer catalan ayaa hadeerta seddex dhibcood oo nadiifa kuhogaamineysa horyaalka laligaha,halka ay kulankooda xiga ay wajihi doonaan naadiga Girona ee 30 maarso isniinta.

Comments

Popular posts from this blog

Joao cancelo oo shaaca kaqaaday iskudhicii kawada dhexeeyay isaga iyo pep guardiola ee waqtigiisi manchester city

Kooxda Real madrid oo ku qanacday daafaca Huijsen qaab ciyaareedkiisi ee spain,oo ay rabto iney lawareegto xagaagan