Agaasimaha Barca Deco oo sheegay in aysan jirin wax hadal ah,wax qiimaha! Deco oo usheegay kooxaha doonaya lamine yamal inuusan iib ahayn oo barcelona siijoogayo



Agaasimaha kubada cagta Barcelona Deco ayaa sheegay " ina ay wax hadal,wax lacag ah aan jirin oo kusaabsan ciyaartoyga lamine yamal".

Deco ayaa yiri"waxaa jira kooxo badan oo doonaya lamine yamal ,oo uu jiro qarashaad, majiraan dalabyo kusaabsan yamal oo xitaa jirin in laga hadlo,shaki kuma jiro inuu yamal waqti uciyaari doono naadiga Barcelona,sidoo kale Gavi iyo pedri dhamaantood halkaan ayey joogayaan".

Madaxweynaha Barca Laporte ayaa sheegay:     "in uu diiday dalab kayimaaday naadiga psg oo  ah lacag dhan 250 milyan oo ay ku rabaan yamal, waqtigii uu lamine qaranka spain kacaawiyay iney qaado koobka yuurada".

Lamine yamal ayaa 11 gool udhaliyay kooxda barcelona  31 kulan uu ciyaaray seasonkan, sidoo kale lamine yamal ayaa kuguuleystay abaalmarinta Golden boy ee wixii kayar da'da 21 sano jir.

Lamine yamal ayaa kamida ciyaartoyda kasoo baxay akaadimiyada Barcelona oo xatta pedri iyo Gavi,Barcelona waa iney ilaashataa ciyaartoyda da'da yar si ay uga faa'ido mustaqbalka.


Comments

Popular posts from this blog

Cristiano ronaldo ayaa goolashiisa sii wata isaga oo magaciisa raba inuu qoro isagoo guul gaaray

Antony oo noqday gool dhaliye! isagoo nooc amaaheed ula jooga kooxda Betis,oo dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee kulankii real sociedad.